Dawladda Shiinaha ayaa ka hadashay arinta jasiiradda Taiwan oo dhawaan xidhiidh la samaysay Somaliland, iyadoo labada dhinac ay sheegeen in ay si dhaafsanayaan wakiilo.

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa qoraal ay baahiay ku sheegtay in Taiwan ay ka mid tahay Shiinaha isla markaana aanay aqbali doonin in cidi ay kala qaybiso Shiinaha.

“Uma ogolaan doono cidna, hadii ay tahay urur ama xisbi siyaasadeed in uu boqcad ka gooyo Shiinaha wakhti kasta ama si kasta ha ahaatee. Taiwan waa qayb aan guurayn oo dalweynaha Shiinaha ka mid ah” ayaa lagu yidhi qoraalka safaaradda.

Somaliland iyo Taiwan ayaa dhawaan sheegay in ay sii kordhinayaan xidhiidhka u dhaxeeya labada dhinac. Somaliland waxay ka go’day Soomaaliya balse wali lama aqoonsan, halka Taiwan-na ay ka go’day Shiinaha balse iyaduna wali may helin aqoonsi caalami ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga