Dawlad-goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa mawqi cad kasoo saaray muddo-kordhinta loo sameeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xukuumaddiisa, iyo guud ahaan aaladda siyaasadda iyo doorashooyinka.

War ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in maamulku aanu aqbalahayn muddo kordhinta golaha shacabka ee xukuumadda iyo golayaasha sharci dajinta. Waxay ku tilmaantay muddo kordhin sharci darro ah, iyadoo wakhtigoodu uu dhacay xukuumadda iyo baarlamanka labadaba.

Puntland waxay ku celisay in loo laabto heshiiskii September ee sanadkii hore ee arimaha doorashooyinka, kaas oo ay ku tilmaantay in uu yahay xalka kaliya ee doorasho lagu qaban karo.

Puntland waxay sheegtay in ay qaadi doonto tallaabada ku haboon hadii aanay xukuumadda dhexe dib ugu soo laaban miiska wada hadalada, taas ay la wadaagi doonto Beesha Caalamka iyo umadda Soomaaliyeed.

Halkan ka akhriso:

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga