Waa xukun muddo la sugayay oo ay soo dhaweeyeen shacabka madaw ee Ameerika oo bilo u dibad baxayay geerida George Floyd, ninkii madawga ahaa ee naqaska lagu dhajiyay.

Maxkamad ku taala magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa Derek Chauvin oo ahaa askari caddaana isla makraana dilay nin madaw ahaa oo aan hubaysnayn ku xukuntay in uu si badheedh ah u dilay qof aan hubaysnayn.

Waa xukun lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo soo noolaynaya cadaalada ameerika oo lagu dhaliilo in aan loo sinnnayn marka ay timaado dadka kala isirka duwani.

Derek Chauvin wuxuu qaadan doonaa racfaan balse waxay u badantahay in maxkamadda xigtaana ay ku raacdo go’aanka maxkamadda magaalada Minneapolis.

Sarkaalkan hore ee caddaanka ahi wuxuu mutaysan doonaa tobanaan sanno oo xabsi ah, iyadoo aan lasii dayn doonin marka ay maxkamadda kale go’aanka soo saarto.

Kumanaan qof ayaa iskugusoo baxay mgaalooyin kala duwanyagoo u dabaal degaya xukunka ku dhacay sarkaalkan caddaanka ahaa ee ninka madaw dilay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga