Madaxtooyada Puntland ayaa si adag uga hadashay eedaymo uu shalay wasiirka qorshaynta Soomaaliya u jeediyay madaxweynaha maamulkaas.

Jamaal Xasan ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay in uu faro galin ku hayo doorashooyinka Puntland ee aqalka hoose xili uu isagu madaxeyne u taaganyahay.

Afhayeenka madaxweyne Deni, Jaamac Deperaani, ayaa Jamaal ku eedeeyay in uu sawir qaldan ka bixinayo Puntland balse ay taariikhdu sheegi doonto.

Wasiir Jamaal ayaa mar kale raba in uu xildhibaan nqodo, iyadoo maamulka Puntland rabo in uu meesha ka saaro wasiir Jamaal oo kursigiisu uu yaalo deegaanada Puntland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga