Musharaxa Jagada Madaxweynaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ka socda dawladda Normay oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa ka wadahadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo xalka laga gaadhay khilaafkii muddada sannadaha ah ka taagnaa Somaliland.

Musharax Cirro ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku faahfaahiyey kulankaasi, waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Waxa aan galabta hoyga aan ka degganahay magaalada Hargeysa ku qaabilay wefdi ka socday dalka Norway oo ay hoggaaminayso Danjire Heidi Johansen oo ah Ergayga waddanka Norway u qaabilsan arrimaha nabadda iyo wada-hadallada isla markaana uu la socday Mudane Casten Carlsen oo ah sii-hayaha Safaaradda Norway.

Si guud, wefdiga waxa aan ka wadahadalnay xaaladaha siyaasadeed ee uu guud ahaan dalku marayo iyo xalkii laga gaadhay khilaafkii siyaasadeed ee cakirnaa ee muddada soo jiitamayey, sida oo kale waxa aan si rasmi ah ugu caddeynay mawqifka aan ka taagannahay arrimaha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga