Xukuumadda dalka Iran ayaa Maraykanka ugu baaqday inuu ciidamadiisa kala baxo dalka Suuriya, halkaasi oo ay sannadihii u dambeeyey ku sugnaayeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Iran Houssein Amir-Abdollahian ayaa dawladda Maraykanka ugu baaqay inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Suuriya, kuwaas oo lagu eedeeyey inay dambiyo kala duwan ka galeen bulshada reer Suuriya.

Sida ay maanta faafisay Wakaalada Wararka dalka Iran ee IRNA News Agency, Wasiirka Khaarajiga Iran ayaa sidoo kale masuuliyiinta iyo saraakiisha dawladda Maraykanka ka dalbaday inay faraha kala baxaan arrimaha dalalka gobolkaasi ku yaala, isla markaana masuuliyada iyo maamulka dalkaasi loo daayo dadweynaha muwaadiniinta ah ee dalalkaasi iska leh, iyadoo si gaar ah Maraykanka looga dalbaday inuu faraha kala baxo dalka Suuriya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa sharci-darro ku tilmaamay joogitaanka ciidamada Maraykanka ee dalka Suuriya, kuwaas oo halkaasi u jooga magaca waxa loogu yeedho argagixiso la-dagaalanka, balse waxa uu Wasiirku sheegay in la gaadhay xiligii Maraykanku uu xamaantiisa ka urursan lahaa dhulka Suuriya.

Waxa kaloo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran si xoogan u cambaareeyey weerarada ay Ciidamada Israa’iil ka fuliyaan gudaha dalka Suuriya, iyadoo Israa’iil ay boqolaal  weerar oo u badan dhinaca cirka ka fulisay Suuriya sannadihii la soo dhaafay, kuwaas oo intooda badan lala bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada gacan-saarka la leh Iran ee fadhiisimahoodu yihiin dalka Suuriya.

Dawladda Iran ayaa ilaa sannadkii 2011 taageero xoogan la barbar joogtay Xukuumadda Suuriya ee Madaxweyne Bashar Al-asad, xiligaasi oo dalkaasi ka bilaabmay kacdoon lagaga soo horjeedo Xukuumadda Suuriya, iyadoo Ciidamada Maraykankuna ay waqtigaasi soo farogeliyeen dalka Suuriya, kuwaas oo taageerayey xoogaga ka soo horjeeday Xukuumadda Suuriya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga