Hay’adda Nabad-sugidda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qabatay qaar ka mid ah aaladaha loo isticmaalo in lagu farsameeyo walxaha qarxa.

NISA ayaa barta ay ku leedahay Twitter waxa ay ku xustay in ay qabatay 79-tan oo ah maadada loo yaqaano ‘Sulfuric Acid’ taas oo qaraxyada loo adeegsado isla markaana leh awood qarxineed oo ballaadhan.

Warka hay’ada NISA waxa kusoo beegmayaa xili maanta ay ku beegantahay oo la xusayo qaraxii boqolaalka qof ay ku nafwaayeen ee is-goyska Soobe, kaas oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Soomaaliya ka dhaca.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga