Ugu yaraan 16 qof ayaa geeryooday kadib markii ay kusoo dumeen gidaarrada dhismeyaal koonfurta dalka Hindiya sida ay sheegeen sarkiisha gudaha iyo warbaahinta dalkaasi.

Illaa 9 qof ayaa ku geeryooday magaalada Hyderabad kadib markii gidaar wareeg ahi uu kusoo dul dhacay wadar guryo ah xilli ay da’ayeen roobab laxaad leh habeenimadii Salaasada.

Xildhibaan laga soo doorto gobolkaasi Asaduddin Owaisi ayaa bartiisa Twitter soo geliyay dhacdada iyadoo warbaahintuna sheegtay in dhimashadaasi uu ku jiray ilmo jiray laba bilood oo keliya.

Shan qof oo kale oo ay ku jiraan lamaane da’ ah iyo wiil ay caruurtoodu dhaleen ayaa iyana ku geeryooday kadib markii laba guri ay dumeen intii ay roobabku magaalada ka da’ayeen sida ay booliska magaaladu sheegeen.

Iyadoo wakaaladda wararka ee AP ku warrantay in laba qof oo kalena ay daadadku la tageen.

Dad badan ayaa waayay qalabadii ay kula soo bixi jireen nolol-maalmeedkooda magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya, waxaana waddooyinka jiifa biyo badan.

Goobaha Telangana oo ah barta ay ku taal magaalada Hyderabad iyo midda jaarka la ah ee Andhra Pradesh ayay roobabku ahaayeen kuwo aad u saameeyay saddexdii cisho ee u dambeeyay.

Masuuliyiinta dhanka saadaasha cimilada Hindiya waxay sheegeen, in magaalada Hyderabad ay heshay roobkii ugu badnaa muddo 20 sanno ah iyadoo sidoo kalena la filayo rooban laxaad leh maalinta Khamiista ah.

Masuuliyiinta Hyderabad ayaa ku dhawaaqay fasax guud Arbacada maanta ah iyadoo dadwaynahana la waydiistay inay guryaha joogaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga