Dawladda Maraykanka ayaa bilaabaysa qorshe ay ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya kula baxayso, sida uu Trump u sheegay waaxaha ammaanka ee dalkaas.

Donald Trump ayaa dalbaday qorshahan isagoo raba in uu fuliyo ballanqaadyo uu ku galay doorshadii madaxtinimada ee uu kusoo baxay, kuwaas oo ahaa in uu ciidamada Maraykanka kusoo celinayo gudaha Maraykanka.

Illaa 800 askari ciidan lagu qiyaaso ayaa Maraykanka ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo tababaro siiya ciidamada Soomaaliya isla markaana caawiya hawlgalada ciidamada Maraykanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga