Duraan Guuleed wuxuu ka mid yahay maxaabiis kooban oo ku hadhay xabsiga sida wayn loo ilaaliyo misana ciqaabta badan la isku mariyo ee Guantánamo Bay ee dalka Maraykanka.

Duraan oo ah nin Soomaali ah oo tan iyo sanadkii 2006 ku xidhnaa xabsiga Guantánamo Bay iyadoo aan la xukumin ayaa imika lagasii daynayaa xabsiga, waxaana warka sii dayntiisa ku dhawaaqay waaxaha cadaalada iyo difaaca ee dalka Maraykanka.

Caqabada uu wajahayo ayaa ah in dal  uu aqbalo qaabilaada Duraan guuleed, ka hor inta aan lasii daynin.

Soomaaliya waxay ku jirtaa wadamada aanu Maraykanku ku wareejin karin maxaabiis, waana caqabadda uu wajahayo Duraan Guuleed.

Guantánamo Bay ayaa xabsi ciqaab adag dadka ku xidhan lagu marsiiyo, laguna xidho dadka ku eedaysan argagixisada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga