Soomaalida ku dhaqan dalka Turkiga ayaa wajahaya soo-galooti-nacayb iyadoo muddooyinkii danbe ay la kulmayeen caqabado joogto ah.

Dawladda iyo shacabka Turkiga ayaa bilaabay olole ka dhan ah dadka ajaanibta ah ee ku dhaqan gudaha Turkiga oo ay ku jriaan dadka Soomaalida ahi.

Soomaali badan ayaa 10-kii sanno ee lasoo dhaafay waxay tageen dalka Turkiga iyagoo halkaas ka bilaabay ganacsiyo, halka kuwo kale oo badanina ay nolol raaids iyo wax barasho u tageen dalkaas.

Soomaalida ayaa ka been sheega ujeedooyinka ay u tegayaan Turkiga waana arinta dawladda ku kaliftay in ay dad badan ka tarxiilaan dalkaas dibna ugu celiyaan Soomaaliya, kadib markii ay ka been sheegeen dhukumantiyada ay ku agleen Turkiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga