Alex Lewis, wuxuu ahaa nin caafimaad qaba oo ay dhamays yihiin dhammaan xubnaha jidhkiisu, wuxuu aad u jeclaa ilmihiisa yar iyo xaaskiisa.

Maalin maalmaha kamid ah, ayuu isku arkay calaamado sidii duray oo kale ah, wuu dhayalsaday oo uma arkayn inay ku keeni karto dhibaato wayn, kadib markuu dareemay inaanay kasoo raynayn, ayuu Ambulance dalbaday, kadibna dhakhtarka loola cararay.

Calaamadaha uu durayga u qaatay, waxay ahaayeen kuwo ay keento nooc kamid ah Bakteeriyada, taasoo caadi ahaan si dhib la’aan ah ugu nool dubka sare ee maqaarka aadamaha, Bakteeriyadaas oo gudaha u gashay jidhkiisa kana soo weerartay.

Alex, ayaa wejahay mid kamid ah xaaladaha caafimaad taasoo in la arkaa ay dhif iyo naadir tahay adduunka oo dhan, xaaladdaas caafimaad oo loogu yeedho Toxic Shock Syndorme.

Ninkan ayaa yeeshay xumad daran, dhiiggiisii oo hoos u dhacay, matag iyo shuban, iyo dawakhaad isagoo jidhkiisiinu xubin xubin u bakhtiyay.

Dhakhaatiirta, ayaa qoyskooda u sheegay, in dawada keliya ee noloshiisa lagu badbaadin karaa tahay in laga gooyo dhammaan qaybaha jidhkiisa ee dhintay, Alex, ayaa laga gooyay labada lugood, gacmaha, dibnaha iyo sanka si uu u sii noolaado.

Hooyadii, oo warbaahinta u warrantay, ayaa sheegtay inaanay filayn inuu sii noolaan doono.

Ninkan ayaa noqday mid gebi ahaanba nugul oo ku tiirsan cid kale, inkasta oo isagoo nool lakala jarjaray jidhkiisa, haddana Alex wuxuu sheegay inay tani kamid tahay waxyaabaha dadka nolosha kusoo mara, isaguna uu naftiisa u sheego mar walba wanaag iyo niyaddana hagaajisto, dhakhaatiirta qalniinka quruxda samaysa, ayaa isku dayay sidii ay Alex ugu buuxin lahaayeen meelaha madhan ee jidhkiisa sida faruuryaha iyadoo laxaadka uu waayayna uu bedelkooda loogu buuxiyay kuwo macmal ah.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga