Xulka qaranka dalka Soomaaliya ayaa ka degay magaalada Harare ee waddanka Zimbabwe, iyadoo la filayo in ay halkaas kula dheelaan xulka Zimbabwe.

Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaadhay dalka Zimbabwe oo lugtii hore ay kuwada ciyaareen dalka Jabuuti, iyadoo ciyaartani noqonaysa lugtii danbe.

Maalinta Salaasada ayaa la filayaa in ay wada ciyaaraan laabada xul, oo mid waliba uu badis raadinayo.

Guusha Soomaaliya ee lugtii hore ayaa uga dhigan taariikhda markii ugu horeysay ee ay badiso isreebreebka Koobka Adduunka.

Waxa la wada sugayaa natiijada kasoo baxda ciyaartan, oo hadii ay Soomaaliya badiso rejo galin karta in ay taariikhada markii koobaad usoo baxaan Koobka Adduunka oo sanadka 2022-ka lagu qabanyo dalka Qadar.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga