Baananka waawayn ee Afkaanistaan waxay qarka u saaranyihiin in ay xidhmaan, iyagoo baaqyo kala duwan soo saaraya.

Dhibaatada ugu wayn ee haysata ayaa ah in lacagaha lagala baxayo aanay kalajoogsan tan iyo qaskii ka dhashay bixitaankii ciidamadii Maraykanka.

Kumanaan qof ayaa safaf dhaadheer ugu jira sidii ay lacagaha ka yaala baananka ugalabixi lahaayeen,iyagoo cabsi ay galisay dawladdii burburtay. Arintaasn oo walaac xoogan ku abuurtay baananka,waana tallaabo hadii ay sii socoto bangiyo badan ku kalifaysa in ay laalaabtaan.

Syed Moosa Kaleem Al-Falahi, gudoomiyaha bangiga ugu wayn Afkaanistaan ee Islaamig ah, wuxuu ka dayrinayaa xaaladda baananka iyo guud ahaan dhaqaalaha Afkaanistaan.

Dhaqaalaha Afkaanistaan ayaa hoosusii socday muddooyinkii lasoo dhaafay, xataa ka hor inta aanay Daalibaan la wareegin talada bishii August.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga