Najib Razak, raysalwasaarihii hore ee dalka Malaysia, ayaa lagu helay in uu lunsaday malaayiin dollar oo lacag ah mudadii uu raysalwasaaraha ka ahaa dalkan ku yaala koonfur bari qaaradda Asia.

7 dacwaadood oo wajiga hore lagusoo oogay Najib Razak, ayaa dhammaantood ay maxkamaddu ku heshay. Waxay qayb ka yihiin dacwado Mr. Razak loo haysto oo salka ku haya in uu musuqay lacago balaayiin dollar ah oo fadeexadoodu ay soo bilaabantay sanadkii 2015-kii.

Wejiga hore, 42 million oo dollar ayay maxkamad ku taala Malaysia sheegtay in Najib Razak uu ku shubay akoonkiisa shakhsiga ah isagoo ka qaatay hantida dadweynaha.

Go’aanka cusub ee maxkamadda ayaa imanaya lix maalmood kadib markii maxkamadda sare ee Malaysia ay Najib Razak fartay in uu akoonada dawladda kusoo celiyo $400 million oo hore uu ugala baxay.

Mucaaridka Malaysia ayaa soo dhaweeyay xukunada maxkamadda, waxay qayb wayn ka ahaayeen dacwadihii lagusoo oogay raysalwasaaraha hore.

Najib Razak wuxuu mutaysanayaa tobanaan sanno oo xabsi, balse ka hor inta aan go’aan laga gaadhin racfaanka uu qaatay wuxuu sii joogi karaa banaanka xabsiga. Da’diisu waa 67 sanno imika wuxuuna ahaa raysalwasaarihii 6-aad ee Malaysia ay yeelato, isagoo dalkaas u ariminayay intii u dhaxaysay sanadihii 2009-2018.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga