Kooxaha gooni-u-goosatada koonfureed ee dalka Yemen waxay ka noqdeen in ay ka go’aan Yemen inteeda kale, iyagoo ogolaaday wada ahdal ay la galaan dawladda.

Dawladda uu madaxda ka yahay madaxweyne Cabdurabbu Mansur Hadi ayaa la filayaa in ay la galaan wada xaajood ay gadhwadeen ka tahay boqortooyada Sucuudiga oo iyadu taageerta labada kooxoodba si ay uga adkaadaan kooxda Xuutiyiinta. Wada hadalada ayaa lagu dhisayaa awood-qaybsi dhanka talada ah oo labada dhinac ay ku heshiiyaan.

Go’aanka kooxaha gooni-u-goosadka ayaa ahaa tallaabo muhiim ah oo rejo galinaysa in lasoo afjaro is-fahamwaaga iyo isku-dhacyada u dhaxeeyay huwanta Xuutiyiinta la dagaalamaysa. Dawladda Sucuudiga iyo xulafada uu wato ayaa taageero siiya dawladda madaxweyne Hadi, balse awoodooda ayaa wiiqantay markii kooxaha koonfurtu ay ka jabeen, isla markaana damceen maamul u gaar ah oo ay yeeshaan.

Codsi ay soo gudbiyeen kooxaha gooni-ugoosadku ayaa lagu xusay in muddo 30 maalmood gudahood ah lagusoo dhiso dawlad loo dhanyahay, in Cadan loo magacaabo badhasaab cusub iyo taliye ciidan.

Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa dabada ka riixaya in ay dhinacyadu heshiiyaan, isla markaana lasii wado dedaalada meesha lagaga saarayo Xuutiyiinta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga