Ruushka ayaa markii ugu horaysay ciidmadiisa badda ku hubaynaya hubka Nukliyeerka iyo gantaalada xambaara ee xawaaraha sare loona yaqaano hypersonic ku socda.

Hawlaha tijaabada ayaa marya marxaladii ugu danbaysay, waxaana ku jira diyaaradaha yaryar ee is wada isla markaana lagusii daayo biyaha hoostooda, kuwaas oo ciidamada baddu ay isticmaalaan.

Madaxyada cusub ee xambaaaraya nukliyeerka ayay adagtahay in difaac loo dhigo marka la eego xawaaraha ay jarayaan. Waxay shan jeer ka dheeraynayaan jabaqda codka.

Vladimir Putin, madaxweynaha Ruushka, ayaa munaasibad lagu shaacinayay oo ka dhacday magaalada St Petersburg ka qayb galay, isagoo si rasmi ah u daah furay qorshahan.

Xukuumadda Moscow waxay sanadkii hore ku hanjabtay in ay gantaalada hypersonic-ka  ah ee xawaaraha sare ku socda ay ku rari doonto marakiibteeda dagaalka hadii Maraykanku uu Yurub keeno gantaalada lidka dhexe oo xukuumadda Trump ay rabtay in Bariga Yurub ay gayso.

Xukuumadda Washington wali gantaaladaas may keenin xuduudaha Yurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga