WASHINGTON, DC - MARCH 25: (L-R) U.S. President Donald Trump and Prime Minister of Israel Benjamin Netanyahu shake hands while walking through the colonnade prior to an Oval Office meeting at the White House March 25, 2019 in Washington, DC. Netanyahu is cutting short his visit to Washington due to a rocket attack in central Israel that had injured seven people. (Photo by Drew Angerer/Getty Images)

Donald Trump, madaxweynaha waddanka Maraykanka ayaa soo bandhigay wax uu ku sheegay ‘heshiiska qarniga’ isagoo doonaya in uu dhexdhexaadiyo waddanka Falastiin iyo Yuhuuda deggen Israel.

Heshiiska ayay si wayn u diiday dawladda Falastiin, iyadoo sheegtay in aanay marnaba aqbali doonin. Boqorka Sucuudiga iyo madaxweynaha Masar oo qorshahan taageeray ayaa madaxweynaha Falastiin usoo jeediyay in uu aqbalo heshiiska.

Qorshahan ayaa ah mid khatar ku ah jiritaanka shacabka reer Falastiin, isagoo meesha ka saaraya dhammaan dhulkii ay lahaayeen Falastiiniyiintu ee Yuhuudii Ingiriisku dejiyay xooga kaga qaaday, illaa haddana ay deegaamayn kale ku wado. Qorshaha ayaan ogolayn maamul madax banaan oo Falastiin leedahay, hadii ay rabaanna waxa ku xidhan shuruudo badan iyadoo aanay caaasimad u noqon doonin magaalada barakaysan ee Qudus.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga