Shiinaha iyo wadammada adduunka oo dhan ayaa ka walaacsan sidii loo xakameyn lahaa faafitaanka coronavirus oo ah cudur cusub oo ka dillaacay dalka Shiinaha, kaasoo galaaftay nafaha ugu yaraan 106 qof isla markaana soo ku dhacay  in ka badan 4,500 qof.

Jarmalka ayaa ka warbixiyay kiiskiisii ugu horreeyay ee fayraska, iyadoo Mareykanka iyo Kanada ay kor u qaadeen, digniinta safarka  iyagoo muwaadiniintoodana uga digaya dhammaan safarrada aan daruuriga aheyn ee ay ku tegi lahaayeen dalka shiinaha.

 

Kooxda xakamaynta cudurka oo cabbiraya heer-kulka mid kamid ah dadwaynaha magaalada.

Ku dhawaad oo ah dadka u dhashay dalka Shiinaha oo ay kujiran xitaa kuwa kasoo jeeda magaalada Wuhan, oo ah caasimada gobolka Hubei, ayaa laga hor istaagay inay u safraan meelo kale oo ah dalka Shiinaha gudihiisa iyo dibadda dalkaasba, isku-day ay xukuumadda Beijing ku doonayso inay xakamayso faafidda cudurka xilli lagu guda jiro dabbaal-degga sannadka gu’ga oo caadi ahaan dalka Shiinaha aad loo safro xiligan oo kale. 

Agaasimaha guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka, kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyo (WHO), waxa uu hadda ku sugan yahay Shiinaha iyadoo haay’adda caafimaadka adduunkuna sheegtay inay garwaaqsatay in cudurkan neef-mareenka asiibaa yahay  xaalad deg-deg ah oo ka jirta Shiinaha laakiin waxay sheegtay todobaadkii hore inaan imika lagu dhawaaqi xaalad dillaac oo guud oo caalami ah, balse waxay haayaddu sheegtay inuu Fayraskani yahay mid aad khatar u ah. 

Inkasta, oo aan si wanaagsan loo ogayn Virus-kan cusub, ayaa haddana sida ay xaqiijiyeen xarunta CDC ee ka hortagga iyo xamakaynta cudurrada dalka Maraykanku ku sheegtay in lagu kala qaado hawada, iyo taabashada.

Hindiya, ayaa ku dhawaaqday inay dadkeeda ka daadguraynayso Shiinaha, sidoo kale Faransiiska, Ruushka iyo dalal kale ayaa qaaday tallaabooyin ay kaga gaashaamanayaan in cudurkani kusoo faafo.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga