Mgaalada aDhuusamareeb waxa maanta khudbado ka jeedin doona qaar ka mid ah murashaxiinta u taagan jadaga madxtinimada ee maamulka cusub ee Galmudug, xili ay jiraan khilaafyo kasoo cusboonaaday hannaanka ay wax u socdaan.

Gudida doorashooyinka ayaa sheegay in aan waxba laga bedeli doonin sida uu qorshuhu aaha iyo jadwalka ay wax u socdeen. Waxa jira murashixiin hore u diiday in ay ka qayb galaan doorashada.

Qaar ka mid ah murashaxiinta ayaa ogol sida ay wax u socdaan waxaana ka mid ah; Axmed Cabdi Kaariye  Qoor Qoor, Cabdiraxman Axmed Sabriye, Axmed Shire  Maxamed (falagle) iyo Axmed Cabdullaahi Samater.

Berri ayaa lagu wadaa in doorashada madaxweynuhu ay qabsoonto, balse waxaan la ogayn in maanta ay wax isbedli doonaan, xili khilaaf culusi uu taaganyahay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga