Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya ay qorshaynayaan heshiis dhanka ammaanka iyo difaaca la xidhiidha oo dhawaan ay qalinka ku duugi doonaan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay oo ka ag dhaw Villa Soomaaliya ayaa tibaaxaya in madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhammaaday ee Maxamed Cbaduulaahi Farmaajo uu safar ugu bixi doono magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu dhankiisa imanayo Isaias Afwerki, madaxweynaha Ereteriya. Waxa marti galinaya Abiy Ahmed, rasalwasaaraha Itoobiya oo caasimadiisa lagu saxeexi doono heshiiska sida la qorsheeyay.

Xukuumadaha Muqdisho, Addis iyo Asmara ayaa raba in heshiiska u qorshaysan ay iskaga kaashadaan ammaanka iyo difaaca, sida ay xoguhu tlmaamayaan balse ma jiro war dawladaha weli kasoo baxay oo xaqiijinayaa.

Khubarada ayaa su’aal galinaysa nooca heshiiskan ammaanka iyo difaaca la xidhiidha iyo ujeedada ka danbaysa, maadaama saddexda hogaamiye ay lahaayeen xidhiidh dhaw muddooyinkii lasoo dhaafay horena u wada saxeexeen heshiiyo saddex geesood iyo laba geesoodba ahaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga