Gudoomiyaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa mar kale ku guulaystay in loo doorto murashaxa madaxweynaha ee u tartamaya xisbiga Waddani.

Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga ee hadda ka socda Hargeysa (30 March, 2021) ayaa lagu doortay Cirro iyo ku xigeenkiisa Maxamed awCali.

Dhammaan codadka xubnaha golaha dhexe ayuu helay Cirro marka laga reebo hal xubin oo diiday.

Waa markii labaad ee labada murashax ay u tartamaan xisbiga Waddani doorashada dhacaysa sanadka 2022 bisha November. Hore waxay usoo tartameen sanadkii 2017, iyadoo ahaa murashaxiinta labaad ee ugu codka badnaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga