Cabdulfataax alSiisi wuxuu markii ugu horaysay ku hanjabay in muranka webiga Niil uu horseedi karo xasilooni gobolka ka dhacda, waa sida uu ahdalka u dhigaye.

Madaxweynaha Masar oo ka hadlayay khilaafka ballaadhan ee ka taagan sida loo maamulayo biyaha webiga niil ayaa hadalo digniin ah u diray dawladda Itoobiya.

alSiisi wuxuu tibaaxay in hadii biyaha webiga Niil ay is dhimaan ay ka dhalan dooto natiijo aan la malaysan karini.

“Halkan ugama hanjabayo cidna, wada hadalkeenu waa mid macquul ah oo sababysan. Fal kasta oo cadaawad ahi wuu inaga reeban yahay. Laakiin hadii aan ka hadlo ta saamaynta, hadii biyaha webiga Niil ay is dhimaan waxay saamayn doontaa deganaanshaha gobolka oo dhan” ayuu yidhi Cabdulfataax alSiisi, madaxweynaha 66-jirka ah ee Masar.

Hanjabaadda Masar ayaa soo baxaysa xili wada hadalka biyaha webiga uu istaagay mar kale, marar badan oo horena aan wax natiijo ah laga gaadhin kadib dhinacyada oo isku fahmi waayay ajandayaasha ay kala wataan.

Masar, Sudan iyo Itoobiya ayaa ah saddexda waddan ee wada xaajoodka biyaha webigu uu ka dhaxeeyo.

Itoobiya waxay ku adkaysatay in heshiis iyo heshiis la’aanba aanay wax gorgortan ah ka gali doonin buuxinta dhaamka wayn ee balaayiinka dollar lagu bixiyay ee ay ka binaysay meel u dhaw xadka ay la wadaagto dalka Sudan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga