Xasan Cali Khayre, ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa hakiyay mashruuc loogu talo galay in lagu horumariyo qaar ka mid ah magaalooyinka waawayn ee Soomaaliya.

Mashruuca oo ku kacaya adduun lacageed oo dhan $112 million, ayuu maalgalinayaa Bangiga Adduunka oo kaashanaya sanduuqa horumarinta Soomaaliya.

Shalay ayay wasiirka maaliyadda, duqqa Muqdisho iyo xubno ka socday maamul-goboleedyada qaar ay kala saxeexdeen fulinta mashaariicda.

Inkasta oo Galmudug iyo Hirshabeele laga reebay, hadana waxa loogu talo galay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska magaalooyinka qaar, sida Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe.

Wali ma cadda in wax laga bedelayo hannaanka uu u socdo mashruucani, maadaama lagu hakinayo amarka Raysalwasaare Khayre.

Waxa jira su’aalo badan oo la iska waydiinayo mashruucan tan iyo markii la shaaciyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga