Amiir Harry iyo Amiirad Meghan waxay si rasmi ah uga tageen qasriga Buckingham ee boqortooyada Ingiriiska.

Lamaanahan ayaa go’aansaday in ay iska casilaan xilalka ay u hayaan boqortooyada faca wayn ee Ingiriiska, kadib cadaadis badan oo ay kala kulmeen nolosha boqortooyada.

Boqorada Ingiriiska ayaa aqbashay in ay si madax banaan u noolaadaan lammaanahani.

Harry iyo Meghan waxay waayi doonaan dhammaan magacyada maamuuska ah ee lagu ladho magacyadooda rasmiga ah sida amiir iyo amiirad, mana matali doonaan boqortooyada Ingiriiska.

Qasriga Buckingham muu shaacin sida loo sugi doono ammaanka lamaanahan marka ay dibadda uga baxaan reer boqor.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga