Laacibka baasha weerarka uga dheela naadiga Liverpool, Maxamed Salaax, ayaa shaaciyay in aanu wax tartan iyo xurguf ahi ka dhaxayn ciyaaryahanka ay isku kooxda u saftaan ee Sadio Mane.

Labada xidig ee Muslimka ah ayaa todobaadadii lasoo dhaafay la hadal hayay xurguf soo kala dhex gashay, balse labadooduba way beeniyeen.

Salaax oo arintan wax laga waydiiyay ayaa xusay in hadii uu khilaaf ka dhaxeeyo aanay suura gasheen in goolal ay dhaliyaan ciyaar walba, isla markaana ay muhiimaddu tahay in labadooda mid uu goolal dhaliyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga