Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Qoorqoor ayaa muddo gaadhaysa 45 beri ka maqnaa gudaha maamulkiisa, iyadoo dastuurka maamulkaasi uu dhigayo in aanu madaxweynuhu ka maqnaan karin deegaanada Galmudug muddo ka badan 45 maalmood.

Shirkii u dhaxeeyay maamulada iyo xukuumadda dhexe ayaa maalintii labaad kusoo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana ay dhinacyadu iskusoo laaban doonaan maalinta Salaasada, kadib wada tashiyo ay si gaar ah usoo samayn doonaan.

Beesha Caalamka ayaa dhinacyada ku cadaadinaysa in ay xal gaadhaan, balse shuruudaha ay kala wataan ayaa weli xaalka adkaynaya oo is-mari-waaga jiray xoojinaya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga