Magaalada Muqdisho, gaar ahaan teendhada Afisyooni, waxa maalintii labaad ka socda shirka wada tashiga ee u dhaxeeya dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo dhammaan ka qayb galaya waxaana wehelinaya maamulka gobolka Banaadir.
Shirka maanta ayaa daba socda kii shalay furmay, waxaana maanta si rasmi ah looga hadli doonaa arimaha shirka ballaadhan ee arimaha doorashooyinka kaas oo dhinacyada dhawaan u furmi doona.
Shalay waxay dhinacyadu si adag uga doodeen in la yareeyo awoodda xukuumadda mudada ay socoto doorashadu, taas oo ay soo jeediyeen Jubaland iyo Puntland.
Maanta dhinacyadu waxay soo saari doonaan war murtiyeed.