Ben Netenyahu wuxuu markii ugu horaysay ka xaadiray maxkamad ku taala magaalada a Isral xooga ku qabsatay ee Qudus, iyadoo ay bilaabantay maxkamdaynta raysalwasaarahan loo haysto dacwadaha la xidhiidha wax is daa marintu.

Markhaatiyaashii ugu horeeyay ayaa keenaya caddaymaha ay hayaan, iyado uu dhagaysanayo Netenyahu iyo qareenadiisuba.

Ben Netenyahu, oo imika jira 71 sanno, ayaa loo haystaa dacwado la xidhiidha musqmaasuq, khiyaamo iyo wax-is-daba-marin kale.

Wuxuu hore u beeniyay dhammaan eedaymaha loo haysto, isgaoo iska fogeeyay balse waa saddex kiis oo kala madax banaan kuwa imika lagu soo oogay.

Maxkamad ku taala Israel ayaa bishii February waxay sheegtay in aanu wax danbi ah lahayn Netenyahu, balse kiisas kale ayaa mar kale lagusoo ooogay xili uu doorasho galayo.

Hadii dacwadaha lagu helo wuxuu Netenyahu mutaysan karaa xadhig, iyo ganaaxyo kale oo maamuus ka xayuubini ay ku jirot.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga