Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raeisi ayaa ka soo horjeedsaday qorshayaasha ay dawladaha Carabta iyo Islaamka ahi ku doonayaan inay xidhiidho diblomaasiyadeed kula samaystaan Israa’iil oo xoog ku haysata dhulka Falastiin, isagoo sheegay in xoraynta magaalada barakaysan ee Qudus ee uu ku yaalo masjidka Al-aqsa oo ah masaajidka saddexaad ee ugu barakada badan islaamku ay ka muhiimsan tahay xidhiidh xiligan lala yeesho Israa’iil.

Madaxweyne Ebrahim Raeisi oo khudbad ka jeediyey shirka midnimada islaamka oo maanta ka furmay magaalada Tehraan ee caasimadda dalka Iran waxa uu sheegay inay waajib tahay in dadka muslimiinta ah iyo dawladahoogu ay xooga saaraan sidii Yuhuudda looga xorayn lahaa magaalada Qudus ee caasimada u ah dalka Falastiin ee ay Israa’iiliyiintu xoogga ku haystaan, waxaanu xusay in qaddiyadda qudha ee maanta islaamka u taalaa ay tahay xoraynta masaajidka Al-aqsa iyo magaalada Qudus.

Waxa kaloo uu sheegay in loo baahan in umadda islaamku dhexdooda midawdo, si ay u yeelato iskaashi ay kaga hortagto duulaanka iyo dhibaatooyinka uu xusay in lagu hayo ummadda muslimiinta ah ee ku nool caalamka, waxaannu tilmaamay in midnimadu aanay ahayn oo qudha in juquraafi ahaan iyo diin ahaan loo midoobo, balse ay tahay isku-xidhnaanta iyo isku duubnimada islaamka dhexdiisa ah, taas oo uu sheegay inay tahay dariiqa qudha ee lagu ilaalin karo danaha iyo masaaliixda ummadda islaamka.

Madaxweynaha Iran ayaa sidoo kale tilmaamay in midnimada islaamku tahay in lagu xidhnaado, laguna dhegenaado quraanka kariimka ah iyo sunihii nebbi Muxamed SCW, taas oo uu xusay inay xudun u ahayd guulihii ay islaamku gaadhi jireen taariikhii hore ee la soo dhaafay.

Waxa kaloo uu eedaymo u jeediyey dalalka reer galbeedka iyo wadamada aan islaamka ahayn oo uu ku eedeeyey inay ka shaqeeyaan kala qaybinta islaamka iyo dhibaatooyinka lagu hayo ummadda muslimiinta ah, waxaannu Madaxweyne Ebrahimi Raeisi uu sheegay in dhibaatadaas lagaga bixi karo oo qudha marka  ay ummadda islaamku u midawdo difaaca danahooda guud.

Madaxweynaha Iran ayaa intii uu khudbadda jeedinayey ku soo celceliyey in aanay xiligan muhiim ahayn in xidhiidh lala samaysto Israa’iil, waxaannu soo jeediyey in islaamku ka wada shaqeeyo sidii magaalada barakaysan ee Qudus iyo dhulka Falastiin looga xorayn lahaa Israa’iil, isagoo tilmaamay in aanay wax wanaagsan ahayn in cidda cadawga ku ah islaamka loo tanaasulo ama lala heshiisyo, balse taas beddelkeeda lala yimaado qorshe iyo siyaasad la iskaga caabinayo, loona adkaysanayo dhibaatooyinka jira ilaa inta si buuxda looga xoroobayo.

Hadalkan Madaxweynaha Iran ayaa ku soo beegmaya xili ay dawladaha Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Suudaan iyo Marooko ay xidhiidh la samaysteen Israa’iil, iyadoo ay horena xidhiidh ula lahaayeen Masar iyo Jordan, halka xiligana lagu hawlan yahay sidii xidhiidh diblomaasiyadeed u dhex mari Iahaa Sucuudiga iyo Israa’iil.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga