Xukuumadda Soomaaliya, ayaa xilalkii ka qaadday, agaasimayaashii Raadiyow Muqdisho, Wakaaladda Wararka ee Sonna iyo Telefishinka Qaranka;

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdifitaax Daahir Jeyte, iyadoo xilka Agaasimaha Radio Muqdisho loo magacaabay Yaxye Cali Faarax.

Sidoo kale Agaasimihii Telefishinka Qaranka SNTV ayaa waxaa laga qaaday Liibaan Cabdi Cali, waxaana loo magacaabay Faarax Salaad Dharaar.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa loo magacaabay Cali Cabdulqaadir (Cali Maykal).
Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga