Madaxwaynihii hore ee Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud ”Siilaanyo”, ayaa u duceeyay taliyihii ciidanka booliska Somaliland, mudane Cabdillaahi Fadal Iiman.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyskii marxuumka iyo shacbiga Somaliland, isagoo ka hadlayana wuxuu yidhi: ”Cabdillaahi Fadal Iimaan, ilaahay naxariistii janno haka waraabsho, ilaahay dadkii, iyo ehelkii iyo qaranka Somaliland oo dhanna samir iyo iimaan Allah haka siiyo, wuxuu ahaa insaan wanaagsan oo dalka iyo dadkaba usoo shaqeeyay, ilaahay naxariistii janno haka waraabsho, kulligeenna samir iyo iiman Allah haynaga siiyo.

Sidoo kale iyana waxaa goobta tacsi ka diray, wakiilka Somaliland ee dalka Kenya iyo wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda ee xukuumaddii madaxwayne Axmed-siilaanyo

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga