Warar uu helay telefishankan caalamiga ah ee Saab TV, ayaa sheegay in deegaannada Galmudug uu ku habsaday Ayax, kaasoo saameeyay beero ay dadka deegaanku lahaayeen, wararka ayaa sheegay in Ayaxu uu cunay dalagyadii iyo doog wixii soo baxayba, kaasoo ay dadku aad uga cabsi qabaan ina xitaa sannadad dambe uu saamayn xoog leh ku yeelan doono dalagyada soo bixi doona.

Wararka, ayaa sidoo kale sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay maanta halkaas u dirtay tiro ciidamo ah, kuwaasoo lagu qiyaasay illaa 50 askari, oo ka tirsan booliska Soomaaliya, ciidanka ayaa si nabad ah ku tegay halkaas, waxay kusoo beegmaysaa xilli uu khilaaf xooggani u dhexeeyo xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Ahlu sunna, kuwaasoo isku khilaafsan doorashada, iyadoo ciidamada dawladda federaalkuna ay la wareegeen Guriceel iyo Matabaan.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka, Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga