Israel waxa ka socda dibad baxyo waawayn oo lagaga soo hor jeedo raysalwasaaraha Yuhuuda Ben Netenyahu. Kumanaan qof oo dalbanaya in Netehyahu uu xilka baneeyo ayaa iskugusoo baxay mgaalooyinka Israel.

Banaanka hore ee xafiiska Netenyahu ayay isasoo dhoobeen dibad-baxyada oo ku qaylinaya in uu is-casilo.

Waa mid ka mid ah dibad baxyadii ugu waawaynaa ee Israel ka dhaca, waxaanay ka socdaan qaybo ka mid ah magaalada Qudus iyo TelAviv illaa badhtamaha Israel. Magaalada Qudus oo kaliya 10,000 oo qof dad lagu qiyaasay ayaa wadooyinka dhooban.

Dibad-baxayaasha ayaa ka gadoodsan in Netenyahu aanu waxba ka qaban xanuunka Covid-19 oo Israel ku dhuftay, iyo in aanu talada haynin xili ay ku socdaan dacwado la xidhiidha musuqmaasuq uu sameeyay.

Ben Netenyahu wuxuu isku dayay in uu dejiyo dadka iskusoo baxay, balse wali ma muuqato wax uu hadalkiisu ka bedelay mudaharaadada.

Dadka mudaharaadaya ayuu ku tilmaamay ‘qas-wadayaal.’

Meelaha qaar waxa isku dhacay dadka ciidamada ammaanka oo isku dayay in ay kala diraan dadka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga