Ilo xogagaal ah, ayaa Saab TV u sheegay in maanta uu magaalada Hargeysa soo gaadhay, danjiraha Shiinaha Muqdisho u fadhiya, ninka magaciisa layidhaa Mr. Qin Jian.

Socdaalka safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu Hargeysa ku yimi, ayaa imanaya, kadib markii Soomaaliya iyo Shiinuhu ay si wadajir ah uga soo horjeedsadeen, xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiwan u bilaabmay.

Warar hore ayaa sheegay, in Shiinuhu uu Somaliland usoo bandhigay dalabyo kala duwan oo ay kamid tahay inuu xafiis-wakiileed ka furto Hargeysa haddii ay Taiwan xidhiidhka u jarto, iyadoo dedaalladaasi uu hoggaaminayay danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian.

Illaa hadda ma jiraan warar lagu kalsoonaan karo oo kasoo baxay socdaalkiisa maanta ee Hargeysa, balse warbaahinta iyo dadwaynaha ayaa si wayn ugu dheg taagaya wararka kasoo bixi doona.

Saab TV, wehelkaaga ka dhigo mar kasta iyo meel kasta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga