Laacibka reer Masar, Mohamed Salah, ayaa seegi doona kulamada uu dalkiisu la dheeli doono wadamada Kenya iyo Comoros. Kulamadan ayaa ka tirsan is-reeb-reebka koobka qaramada Afrika.

Salah ayaa ku dhaawacmay ciyaartii uu nadigiisu la dheelay kooxda Manchester City ee ay ka wada ciyaaraan horyaalka waddanka Ingiriiska.

Dhaawaca oo kasoo gaadhay kuraanta lugta ayaa laacibkan ku khasbaya in uu seego kulamada xulkiisa Masar. Waxa hadda lagu dawaynayaa magaalada Qaahira ee caasimadda dalkiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga