Ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamadda qalabka sida ee qeybta 27-aad ee Soomaaliya ayaa goor dhawayd warbaahinta SAAB u xaqiijiyay in ciidamada ammaanka Baladweyne ay xalay saqdii dhexe soo qabteen gadiid lagu soo raray qeybo ka mid ah gargaarkii loogu talagalay dadka fatahaada ku barkacay oo la sheegay in si sharci daro ah looga dajinayay qaar ka mid ah bakhaarada gancasiga suuqyada Baladweyne. Dhamme Maxamed Cabdulqaadir Maxmed wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay ka war heleen xalay saqdii dhaxe dajinta raashinka kadiban ay ku baxeen waxaana ay xabsiga dhigeen wadaayaashii gadiidka iyo shaqaalahii dajinyay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxa isasoo tarayay wararka sheegay in la musuqmaasuqay gargaarkii llogu talo galay dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiga Shabeele, waxaana ciidanka ammaanku ay dhawr mar qabteen gargaar si khaldan loo waday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga