Ra’iisulwasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag ula hadlay beesha caalamka ee ka shaqysa arimaha horumarka. Xasan Cali Khayre oo magaalada Paris kaga qayb galaya shirweynaha nabadda Paris ayaa xusay in wadamada horumay ay inta ka sheekeeyaan yoolal la xaqiijinayo oo ku qotoma horumarka aadanaha, balse aanay dalkiisa Soomaaliya waxba kasoo gaadhin.

Khayre wuxuu tusaale usoo qaatay Yoolasha Horumar Waara oo uu sheegay in sanad walba balaayiin dollar lagu bixiyo balse Soomaaliya aanay waxba uga iman, ama lasoo dhex mariyo hay’ado aan la garanayn meel ay lacagahaas geeyaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka Khayre ayaa u muuqday mid uu beesha caalamka kaga codsanayo in deeqaha si toos ah dawladiisa loo siiyo, hadii ay wadamadan dhab ka tahay horumarka iyo xaqiijinta yoolasha ay sheegayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga