Midawga Yurub wuxuu dhimayaa lacagta uu ku taageeri jiray ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah ciidamada AMISOM ee hawlaha nabad ilaalinta u jooga gudaha dalka Soomaaliya.

Midawga Yurub wuxuu sanad walba malaayiin dollar siiyaa ciidamada Kenya ee ku sugan koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo sanado ka hor yimi halkaas.

In ka abdan 60% ayay qorsheeyeen in laga jaro lacagaha ciidamada Kenya, iyadoo ay dhaqan gali doonto bisha July marka la gaadho.

Waa adduun lacageed oo lagu qiyaasay $45 million.

Midawga Yurub wuxuu arintan sabab uga dhigayaa maadaama ay soo dhawaatay mudada loo asteeyay in ciidamadani ay kaga baxaan gudaha Soomaaliya oo soo dhawaatay, sidaa darteed la yaraynayo lacagaha la siin jiray.

Sanadkii 2011 ayay ciidamada dalka Kenya gudaha u galeen Soomaaliya iyaga oo aan markaas wax fasax ah u haysan qaybna ka ahayn hawl galka nabad ilaalinta Midawga Afrika ee AMISOM. Muddo ay halkaas joogeen akdib ayay ka mid nqodeen AMISOM.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga