Madaxweynayaasha wadamada Turkiga iyo Maraykanka ayaa is arkay arkii ugu horaysay tan iyo intii madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu xafiiska yimi dabayaaqada bishii January ee horraanta sanadkan.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay arimo kala duwan iyadoo kulankoodu uu kusoo beegmayo xili xiisado ay ka dehx taagantahay labadan gaar ahaan madaxweyne Biden oo si kulul u cambaareeyay tallaabooyinka madaxweynaha Turkiga.

Waxay isku arkeen magaalada Brussels ee dalka Builgium oo uu ka dhacayay shir madaxeedka wadamada ku bahoobay ururka difaac ee NATO.

Sarakiisha Maraykanka ayaa sheegay in Turkigu uu la wareegi doono ammaanka madaarka magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afkaanistaan kadib marka ay ka baxaan halkaas ciidamada Maraykanku dabayaaqada sanadkan.

Labada waddan ayaa isla qaatay in ciidamada Turkiga lagu wareejiyo ammaanka madaarka.

Madarka Kabul ayaa muhiim u ah Afkaanistaan iyadoo sidoo kale ay ku dhex taalo ero ciidan, waxaana uu awood u leeyahay in uu qaabilo 100 diyaaradood.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga