Itoobiya waxay diiday xal soo jeedin ah oo uu sameeyay ururka Jaamacadda Carabta ee ay ku midaysanyihiin wadamada carbeed.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa si adag u ugasoo hor jeedsatay baaq uu ururka jaamacadda carabtu ku sheegay in Golaha Ammaanku uu soo fara galiyo khilaafka webiga Niil ee u dhaxeeya dawladaha Itoobiya, Sudan iyo Masar.

Wasiirada arimaha dibadda ee dawladaha ku midaysan Jaamacadda Carabta ayaa ku shiray magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, waxaana kulanka dalbaday dawladaha Sudan iyo Masar oo raba in ay taageero ka helaan wadamada ururka ku jira, isla markaana Itoobiya la saaro cadaadis caalami ah.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Itoobiya oo warbaahinta la hadalay wuxuu tibaaxay in jaamacadda carabtu ay ogaato muhiimadda ay biyaha webiga niil u leeyihiin itoobiya.

Itoobiya waxa ka go’an in ay buuxiso dhaamka wayn ee ay ka binaysay meel u dhaw xadka ay Sudan la wadaagto, waana xudunta khilaafka imika ka dhaxeeya sadexdan wadan oo id walia uu difaacanayo danahiisa gaarka ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga