Ururka Midawga Yurub ayaa sheegay inay ka go’an tahay, isla markaana ku han-weyn yihiin inay sii xoojiyaan xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalka Itoobiya, halka sidoo kale ay Midawga Yurub ballanqaadeen inay sare u qaadayaan iskaashiyada dhinacyada kala duwan ah ee u dhexeeya EU-da iyo dawladda Itoobiya.

Sida lagu sheegay war lagu qoray wakaalada wararka Itoobiya ee ENA, Komishineerka Midawga Yurub u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah Jutta Urpilainen iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen oo kulan ku yeeshay magaalada New York ayaa ka wadahadlay sidii ay labada dhinac u yeelan lahaayeen iskaashi intii hore ka ballaadhan, iyadoo Midawga Yurub ay bogaadeen dedaalada nabadeed iyo kuwa horumarka ah ee la sameeyey wixii ka dambeeyey heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalkii u dhexeeyey ciidamada Itoobiya iyo Jabhadda Tigreega.

Haweenaydan xilka sare ka haysa Midawga Yurub ayaa sidoo kale sheegtay in dalka Itoobiya uu yahay saaxiib istaraatiijiyadeed oo ay leeyihiin Midawga Yurub, iyadoo ballanqaaday in EU-du ay si xushmad leh u qiimaynayaan, una qadarinayaan iskaashiga muhiimka ah ee ay la leeyihiin Itoobiya, waxayna si xoogan u ammaantay horumarka siyaasadeed ee ay ilaa hadda samaysay Xukuumadda dalka Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa isna sheegay in Itoobiya ay si aan leexleexad lahayn ay uga go’an tahay sidii loo hirgelin lahaa heshiiskii nabadeed ee ay la galeen Tigreega iyo fulinta dhammaanta wixii shuruudo ku xidhnaa oo dhan oo ay ugu muhiimsan yihiin sidii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkii kala duwanaa ee dhacay muddada labada sanno ah ee uu dagaalku ka socday waqooyiga dalka Itoobiya.

Waxaannu Wasiirka Khaarajiga Itoobiya sheegay inuu Midawga Yurub ka rajaynayo inay dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba taageeraan mashaariicda dib-u-dhiska iyo dib-u-dejinta ah ee ay dawladda Itoobiya kaga soo kabanayso colaadihii dalkaasi ka dhacay, isagoo xusay in Itoobiya iyo EU-du ay leeyihiin xidhiidh iskaashi oo aad u wanaagsan, kaas oo uu tilmaamay inuu marba marka ka dambeeya sare u sii kacayo, siina xoogaysanayo.

Waxa kaloo ay Midawga Yurub iyo Itoobiya ka wadahadleen dhibaatooyinka kale ee ka taagan Gobolka Geeska Afrika iyo sidii la iskaga wada kaashan lahaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafyada iyo dagaalada ka taagan meelo ka mid ah Geeska Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga