Gudidda Garsoorka, Caddaalada, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Kulan la yeeshay Madaxda sare oo ka socday Ha’ayadda Bisha Cas (ICRC) kulankan oo uu shirgudoominayay Ku-simaha Guddoomiyaha Guddidaas Md. Fu’aad Axmed Diiriye, isla markaana ay joogeen xubnaha guddida ayaa Waftiga ka xog-waraystay shaqada Hay’adda iyo Xaaladda maxaabiista dagaalkii laascaanod lagu qabtay iyo dedaaladii ay ka galeen.

Dhinaca kale, Guddidu waxay warbixin ka siiyeen shaqada Guddida iyo kormeero ay ku soo mareen xabsiyada dalka Somaliland iyo baahiyihii ay ku soo arkeen sidii wax looga qaban lahaa, maxaabiistaana gargaar loo gaadhsiin lahaa.

Geesta kale, Xildhibaan Guuleed Warsame oo ka mid ah xubnaha guddidaasi ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay waxyaabaha ay labada dhinac ka wadahadleen, waxaannu qoraalkiisa ku yidhi; “Waxaan xidhiidh la sameeyey madaxda ugu sareysa Guddida Laan-qarta Cas ee Duwaliga ah sidii aan u kulmi lahayn.

Aad ayey ugu mahadsanyihiin inay si degdeg ah uga soo jawaabeen codsigaa oo maanta ahaa kulankeenii rasmiga ahaa oo ka dhacay xafiiska Guddida Caddaalada iyo Xuquuqul insaanka ee Golaha Wakiilada.

Waxaa hogaaminaayey kulankaas dhanka Laan-qayrta Cas:

1: Samuel Almeida:  ICRC protection delegate

2: Merick Freedy Alagbe:  ICRC Head of Sub delegation.

3: Jimcaale Cali Nuur,Madaxa ICRC Somaliland/ICRC Somaliland Head Of Office.

Waxay nooga warameen xaaladda maxaabiistii dagaalka Laascaanood iyo sida ay uga howlgaleen wax-ka-qabashadii baahiyahii bani’aadnimo ee ay xaqa u lahaayeen maxaabiistaas, iyagoo ka duulaayey xeerarka u-dajisan caalamka marka ay dhacaan dagaaladu, waxayna ku guuleesteen iney soo daayaan 2 maxbuus oo ahaa dhaawac halis ah, kana soo dajiyeen Hargeysa.

Dhankeenana waan uga mahadnaqney dedaalkaa weyn ee ay ugu jiraan Ilaalinta Xuquuqda Bani-aadanka. Waxa aannu isla garaney in aanu isweydaarsano afkaarta iyo khibradaha, kana shaqeyno sidii aan uga yeelan lahayn iskaashi arrimaha taagan iyo kuwo kaleba.

Waxaan talo ahaan ugu soo jeedinayaa Xukuumadeena inay qaadato talaabo geesinimo taasoo ay ku sii deynayso maxaabiista dhaawaca ah sida kuwa kalaba ay u soo daayeen labadii maxbuus e dhaawaca ahaaba,” ayuu yidhi Xildhibaan Guuleed Warsame.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga