Madaxwaynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu ku magacaabay xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka Somaliland, kadib markii xubnihii hore uu ka dhamaaday waqtigii la doortay ee shanta sanno ahayd.

Wareegtadan uu Madaxweyne Muuse Biixi soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay in uu tixgaliyey ahmiyadda ay Komishanka xuququqal-insaanku u leeyahay dhismaha sumcadda iyo horumarka qaranka, sidaas darteedna uu wareegtan ku magacaabay toddobada xubnood ee Komishanka Xuquuqal-insaanku ka kooban yahay, waxayna xubnahaasi kala yihiin;

1. Maxamed Baaruud Cali oo ahaa Guddoomiyaha Guddidii hore ee  komishanka xuquuqal Iinsaanka Qaranka ee waqtigu ka dhamaaday.

2. Maxamed Xasan Caalin

3. Mustafe Cali Cismaan 

4. Baashe Maxamuud Faarax

5. Maxamed Jaamac Ibraahin

6. Cabdiraxmaan Cismaan Cabdulle

7. Muuse Jaamac Cige  

Digreetadan Madaxwaynuhu soo saaray ee uu ku magacaabay Komishanka Xuquuqal aadanaha qaranka ayaa uu ku sheegay in xubnahan ay soo xuleen guddiga xulista xubnaha komishanka xuquuqal-insaanka Qaranka, kuwaas oo Madaxwayne Biixi u soo gudbiyey 14 xubnood intaas kadibna Madaxwaynuhu ka soo dhex doortey toddobadan xubnood ee uu maanta wareegtada Madaxwayne ku magacaabay.

Isla sidaas oo kalena 7-da xubnood ee kale ee ayaa iyagana Madaxweynaha Somaliland  wareegtadani ku sheegay inay noqdaan xubnaha kaydka ah, sida ku cad xeerka Komishanka Xuquuqal-insaanka qaranka.

Komishanka xuquuqal-insaanka qaranka ayaa muddo xileedkiisu yahay muddo 5 sanno, waxaana waajibaadkooda shaqo ee laga donayaa uu yahay sida ku cad Qoddobka 26aad ee Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamaha, Xeer Lambar 39/2010; kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin qodobadan

1. In ay baadhis madax-banaan ku sameeyaan arrin ay u arkaan Komishan ahaan, in ay keentay tacadi Waxyeelo Bulsho oo in la baadha ay muhiim tahay.

2. In ay kor-meeraan xabsiyada, saldhigyada iyo goobaha kale ee xabsi ahaanta loo isticmaalo si ay u soo eegaan ama wax uga ogadaan xaalada ay ku sugan yihiin dadkaas xidh-xidhan si ay talo haboon uga soo jeediyaan;

3. In ay kormeeraan hay’addaha dawlada ee la xidhiidha Xuquuqda Aadamaha iyo ka talo-siinta sidii hore loogu Marin lahaa Maamulwanaaga iyo dhaqan-gelinta, qadarinta xuquuqda muwaadinka;

4. Komishanku wuxuu Goleyaasha, Wasiiradda iyo Baarlamaanka Tallo-bixin ka siinayaa sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin wax-ku-ool ah oo ku waajahan Ilaalinta iyo dhawridda xuquuqda Aadamaha & Xoriyaadka Aasaasiga ah, kuwaasi oo ay ku jiraan Ogolaanshaha iyo hir-gelinta Qawaaniinta.

Xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka waxa la horgayn doonaa Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan, iyagoo kadibna kulankooda u horeeya iskaga dhex dooran doona Guddoomiye iyo Guddoomiye-ku-xigeenka guddidaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga