Mucaaridka Soomaaliya waxay madaxweyne Farmaajo u aqoonsanayaan ‘qas-wade’, kadib war ay kasoo saareen kulamo xalay ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Golaha Midawga Murashaxiinta ayaa qaadacay muddayn-doorasho oo ay sameeyeen gudida lagu muransanyahay ee heer federaal ee dawladda Soomaaliya, kuwaas oo xalay shaaciyay wakhtiga la qabanayao doorashada baarlamanka.

War ay ku midaysnaayeen ayaa lagu xusay in madaxweyne Farmaajo uu rabo in uu qabto doorasho uu isagu kaligii tartame iyo garsoore ka yahay, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Waxay sidoo bulshada caalamka ugu baaqeen in Farmaajo loo aqoonsado ‘qas-wade’ siyaasadeed, iyagoo ku eedeeyay in ficiladiisu ay khalkhal galinayaan amniga Soomaaliya.

Murashaxiin uu ka mid ayahay rayasalwasaare hore Xasan Sh. Maxamuud ayaa cambaareeyay tallaabooyinka dawladda ee hanaanka doorashada.

Xiisadda u dhaxaysa xukuumadda iyo mucaaridka ayaa sii kordhaysa muddooyinkii danbe.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga