100 qof oo lagu dilay galbeedka Itoobiya

Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Benishangul-Gumuz ee dhaca galneedka Itoobiya.

Kooxo aan haybtooda la qoonsan aya weerar ku qaaday gobolka iyagoo gaystay weerarka oo raysalwasaaraha itoobiya uu ku sheegay ‘xasuuq’.

Dhakhaatiir deegaanka oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in ay arkayeen maydad tiro badan oo lagusoo daabulayo cisbitaalada.

Maydadka qaar ayaa xabado lagu dilay halka kuwo kalana la gawracay, sida ay sheegeen bahda caafimaadku.

Tuulo lagu magaacbo Bekoji ayaa lagu laayay dadka. Waxa halkan degen dad badan oo isir aahaan kasoo kala jeeda qoomiyado kala duwan.

Weerraka gobolka ka dhcaay ayaa yimi maalin kadib booqasho uu deegaanka ku tegay raysalwasaare Abiy Axmed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga