Boqortooyada Ingiriiska iyo Midowga Yurub waxay ku heshiiyeen heshiis ganacsi kadib ka bixidda UK ee midwoga.

Heshiiskani ayaa soo jiitamayay muddo bilo ah, kaasi oo ay dhinacyadu yeesheen wada xaajood adag, taasi oo la saadaalinayo inay ka hortagto fawdo dhacda marka si buuxda ay u kala gurtaan dhammaadka sannadkan.

Ku dhawaaqistan timi  Khamiista maanta ah, ayaa timid todobaad uun kahor inta aanay boqortooyadu rasmi uga bixin suuqa iyo kastamada keliya ee midowga Yurub 31 bisha Diiseember. 

Ilo xogagaal ah oo katirsan xafiiska raysal-wasaaraha Ingriiska ee ku yaalla Downing Street, ayaa sheegay in heshiiskii la dhammeeyay, kuwaas oo sheegay in UK ay dib ula soo wareegtay lacagteedii, xuduudaheedii iyo sharciyadii ganacsiga iyo biyaha kalluumaysiga dalkeeda.

Ilaha xogogaalka ah ee laga helayo Downing street waxay sheegayaan inuu heshiisku yahay war fiican, iyo in ay saxeexeen heshiiskii ugu horreeyay ee aan ku salaysan cashuuro iyo kootooyin eber ah, kaas oo ah kii ugu horreeyay noociisa ee lala gaadho EU-da, sidoo kalena ay heshiiska ku bixiyeen wakhtigii loogu talagay, xaalado adag oo ay lasoo mareen iyo inay taaasi ilaalinayo sharafta suuqa Ingiriiska iyo waqooyiga Ireland.

Gorgortamayaasha Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa xalay oo dhan ka shaqeynayay heshiiska, waxaanay wararku sheegayaan in aan lagu kala kicine hawsha la waday iyadoo tamarta lagu siyaadsanayo Pizza safaari ahaan loogu keenay, kahor inta aanay nuxurka ugu dambeeya ku dhiibin xarunta Berlaymont ee magaalada Brussels, halkaasi oo ah xarunta dhexe ee midowga Yurub.

Raysal-wasaaraha Ingiriiska Johnson iyo Madaxweynaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen, ayaa iyana dhawr jeer khadka telefanka ku wada hadlay, waxaanay aakhirkii bogaadiyeen heshiiska la gaadhay.

Heshiiskan ayaa imanaya in ka badan afar sano kadib markii aqlabiyadda dadka reer Britain ay u codeeyeen in ay ka baxaan midowga afti bishii Juun 2016 loo qaaday xubinnimada Midowga Yurub.

Dukumintiga heshiiska ayaa la sheegay inuu gaarayo ilaa 2000 oo bog. Asal ahaan, waa heshiis cidhiidhi ah oo ganacsi xor ah oo ay ku wareegsan yihiin heshiisyo kale oo ku saabsan arrimo badan oo ay ka mid yihiin tamarta, gaadiidka iyo booliska iyo iskaashiga amniga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga