Sarkaal boolis ayaa dab la sudhay xilli uu saarnaa dhugdhulay oo uu ka hortagayay dibad-baxyo ka qarxay dad cadhaysan magaalo ku taalla dalka Mexico.

Dibad-baxayaasha, ayaa ka cadhaysnaa nin geeryooday kadib markii la qabtay magaalada Guadalajara oo galbeed ka xigta caasimadda Mexico kana tirsan gobolka Jalisco.

Muuqaalka baraha bulshada wareegaya, ayaa muujinayay sarkaalka booliska oo mootada saaran kadibna qof kamid ah dibad-baxeyaasha oo xidhan muraayad madow afkana dabooshay uu qabadsiinayo dab ka holcaya quraarad.

Ninka booliska ah ayaa si degdeg ah uga cararaya mootada, isagoo dhulka isku tuuraya iyadoo askartii kalena ay kusoo yaacayaan si ay uga badbaadiyaan dadka inta uu dabka la tacaalayo, halka ay kuwo kalena ka caawinayeen la tacaallidda dabka la qabadsiiyay.

Sarkaalka booliska ah, ayaa kadib markii si degdeg ah dabka looga bakhtiiyay goobtii iskaga tagay.

Ninka ay dadwaynuhu dhimashadiisa ka mudaharaadayeen, ayaa la sheegay in loo xidhay maadaama oo aanu xidhnayn af-daboolka layskaga ilaaliyo xanuunka Coronavirus, iyadoo uu walaalkiina sheegay inay boolisku jidh dileen kadibna loola cararay cisbitaalka, halkaasi oo uu ku geeryooday.

Dibad-baxyada lagaga soo horjeedo arxan darrada booliska, ayaa ka dhacaya magaalooyin dhawr ah oo ku yaalla qaaradaha America iyo adduunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga