Xoogaga jeneraal Khaliifa Xaftar ayaa mar kale laga saaray magaaalo muhiim u ah oo awodo abdan ay ku lahaayeen.

Hawl-gal Jicmaha maanta ka dhacay deegaanka Tarhuna ayaa lagu ajbiyay ciidamada daacadda u ah Xaftar, iyadoo dawladdu ay la wareegtay gacan-ku-haynta deegaankan.

Ciidamada dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay oo taageero ka helaya milatariga Turkiga ayaa sii wada in ay dib u riixaan huwanta mucaaridka ee Jeneraalka falaagada noqday ee Khaliifa Xaftar uu hor kacayo. “Waxaanu la wareegnay magaalada Tarhuna, anagoo aan haba yaraatee wax iska-caabin ah kala kulmin xoogaga Xaftar” ayuu yidhi afhayeenka ciidamada deegaanka la wareegay.Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay la wareegi doonaan magaalooyinka koonfurta ee u dhaw Tarhuna oo hadda ay la wareegeen.

Sanad ka hor ayay ciidamada Xaftar usoo ruqaansadeen galbeedka Libya oo dawladdu ay ka arimiso. Hawl-gal ay caasimadda kula wareegayeen ayaa fashilmay. Iyadoo dagaal ay dawladdu bilawday bishii March lagu jabiyay ciidamada Jeneraal Xaftar, oo laga qabsaday deegaano muhiim ah oo saldhigga alWatiyah uu ku jiray.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga