Khaliifa Xaftar wuxuu dalbanayaa in Libya laga hir galiyo xabbad-joojin, kadib jab culus oo gaadhay ciidamada daacadda u ah oo lagala wareegay magaalooyin iyo sladhigyo muhiim ah.

Madaxweynaha dalka Masar ayaa sheegay in Xaftar uu soo-jeedinta xabbad-joojinta sameeyay. Cabdulfataax alSiisi ayaa xusay in kadib wada-hadalo magaalada Qaahira ka dhacay uu Xaftar dalbanayo in maalinta Siniinta la dhaqan galiyo xabbad-joojinta. alSiisi wuxuu Qaramada Midoobay ka dalbaday in ay miiska wadahadalka keenaan dawladda ay badhitaaraan ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli. Isagoo beesha caalamkana ka codsaday in ay taageeraan qorshahan.

Masar waxay taageero siisa garabka jeneraal Khaliifa Xaftar.

Xukuumadda Qaahira ayaa sheegtay in qorshaha oo loogu magacdaray baaqa Qaahira uu dalabnayo in wax lagu sheegay calooshood-u-shaqaystayaasha shisheeye ay ka baxaan dalka Libya. Waxa xusid mudan in ciidamo ka tirsan milatariga Turkiga oo teegeera dawladda Libya ay ku suganyihiin gudaha dalkaas.

Ciidamo Ruush ah oo garabka Xaftar taageera ayaa sidoo kale ku sugan gudaha dalka.

Dagaalada imika socda oo ciidanka Xaftar ay bilaabeen horaanta sanadkii tagay ayay ku nafwaayeen in ka badan 1000 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga